Skip to main content

Maxkamadda Sare oo saartay Amar ay ku hakinayso fadhiyada Golaha Wakiiladda, kadib markii ay ku-xigeenada Cirro Dacwad ka dhan ah u gudbiyeen

Hargeysa(Nuux kadiye) Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha wakiiladda Somaliland BaasheyuusufMaxamed Faarax iyo Maxamed Yuusuf ayaa Dacwad ka dhan ah Guddoomiye Cirro geeyey Maxakamadda sare ee Dalka, waxaanay Maxkamaddu Golaha u soo qortay in la hakiyo Kal-fadhiga Golaha.

Lama oga qoraalka Maxkamadda Sare waxa ku qoran hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola khilaafka u dhaxeeya ayaa sheegay in qoraal lagu hakinayo fadhiyada Golaha inta Dacwada la dhagaysanayo in la soo gaadhsiiyey Cirro.
Guddoomiye Cirro oo saaka furay kal-fadhiga Golaha isla markaana meel mariyey qorshayashii ay isku hayeen labadiisa ku-xigeen ayaan soo hadal qaadin qorlaakaas, hase yeeshee sida ay Waaheen u sheegeen dad u dhuun daloola Guddoomiye Cirro waxay sheegeen in uu qoraalkaas hayo, sababta uu u akhriye waayayna ahayd labada ku-xigeen oo ka soo ag-xaadiri waayeen.
Wariyaha waaheen ee ku sugan Golaha Wakiiladda ayaa ku soo waramaya labada Guddoomiye ku-xigeen in ay shir jaraa’id ku qabanayaan Golaha Wakiiladda isla markaana ay ku soo bandhigi doonaan qoraalaka Maxkamadda ee Cirro saaka ka gaadahsiiyey.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.