Skip to main content

Borama(Nuux kadiye) Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka deegaanka ee degmada borame ahna kusimaha gudoomiyaha mxamed muxumed faarax dheerayste ayaa waxa uu maanta xadhiga ka jaray macrad cusub oo la magac baxay saafi motors isla markaana ka shaqayn doona iibinta iyo kireynta baabuurta..

Munaasibada xadhiga laga jaray macradka cusub ayaa waxa ka soo qayglagay mulkiilasha macraadka,taliya tarafikada,qaar ka mid ah xildhibanda golaha deegaanka ee degmada borama.
Waxa halkaasi ugu horeyntii ka hadlay gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee degmada borama ahna kusimaha gudoomiyaha mudane mxamed muxumed faarax dheerayste ayaa waxa uu ka dhawaajiyey Isla Markaana Shirkada Saafi Motors Ku Hambalyeyey Hawsha ay ku soo Kordhin Magaalada Borama…
Waxa kale oo iyagna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xildhibanada golaha deegaanka ee degmada borama Ayaa waxa Hadaladoodu ay ku soo biyo shubanayeen in ay ka gole deegaan ahaan ay soo dhawaynayaan.
Taliyaha tarafikada axmed daahir oo isagna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu shirkada saafi motors kula dardaarmay in ay dadka baabuurta ay ka kireynayaan ay noqdeen kuwo qaan gaadh ah oo ay uu dhamaystiran yihiin sharcigii dirawalnimadu…
Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay mid ka mid aas aasayaasha shirkad saafi motors daahir c/laahi cilmi ayaa waxa uu sheegay in ay hawshan ay maanta furayaan ay tahay mid ay dhalinyarada ay ugu abuurayaan shaqo..
Si kastaba ahaate waxa mudooyinkii danbeyey waxa magaalada borama  labo kacleynayey  ganacsiga isla markaana maalinba maalinta ay ku soo kordhayaan ganacsiyo kale duwan….
cabdooo 152

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.