Skip to main content

Somaliya Oo Ka Baxday Wada-hadalii Ay Kula Jirtay Somaliland,Shuruudna Uga Dhigtay Somaliland In Ay Marka Hore Ka Noqoto Gooni Isu Taaga.


Nuux kadiye Hargeysa--------Dawladda Federalka Somalia ayaa Si Badheedh ah Daneeyayaasha Dhexdhexaadinaya Labada Dhinac ugu bandhigtay inaanay dib u soo xaadiri doonin Wada-hadal dambe oo ay Somaliland la leedahay ilaa iyo inta ay somaliland ka Tanaasulayso Qoddobka Qaddiyaddda Madax-bannaanida.

Waraaq uu wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal uu u kala diray dawladaha Turkiga, Ingiriiska, Norway iyo Midawga Yurub ayaa wuxuu ku sheegay inaanay dawladiisu diyaar u ahayn inay miis la soo fadhiisato Somaliland ilaa inta Somaliland ka laabanayso ama ka noqonayso qodobka madax banaanida Somaliland, isagoo qoraalka warqadaasina ku sababeeyey in dastuurka u yaalla Soomaaliya ee dawladda uu ka tirsanyahay ku shaqayso aanu u fasaxayn inay arrinta kala hadasho Somaliland,
“Qodobka 1-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si cad u dhigaya inaan laga doodi karin, laga hadli karin, gorgortana la gelin karin madax banaanida, xuduuudaha iyo qaranimada Soomaaliya, marka dastuur ahaan dawladdayadu awood uma laha aanu arrimaha kala hadalo Somaliland, iyadoo dastuurkayagu aanu noo fasaxayn ama noo jidaynaynin” ayuu Mr. Gacal ku yidhi qoraalkiisa.
Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo laftigiisu Toddobaadkii hore ku sugna magaalada London ayaa wuxuu kulano la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Britain u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simmond oo uu u sheegay inaanay wada hadaladaasi sii wadi karin, ilaa ayuu ku yidhi wada hadalka ay Somaliland siyaasiyiintoodu ajandaha doonayaan inay ku soo daraan arrinta madax banaanida.
Waxaa  Toddobaadkii labaad magaalada London ku sugan laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kuwaasi oo wada hadalo baaxadleh kula yeeshay magaalada London masuuliyiin ay ka mid yahiin wasiiradda arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska, safiiradda dalalka Norway, Denmark, Maraykanka iyo Sweden ee dalkani.
Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey waraaqda dawladda Soomaaliya ku diiday inay wada hadalka bisha January loo ballansanaa ka soo qayb gasho, isagoo Mr. Biixi waraaqda uu dalalka daneeya dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya u diray ku sheegay in dawladda Somalia ay tahay qayral masuul aanay ku qabin kalsooni danbe, isagoo ka codsaday inay dalalkaasi soo fara geliyaan arrinta sida heshiisyadii lagu gaadhay London, Dubai iyo Istanbul ay dhigayeen
Mr. Biixi wuxuu sheegay in aanay dawladiisu dul qaad danbe u yeelan doonin mar marsiiyaha ka imanaya Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka si rasmi ah uga bixi doonaan wada hadalka, taasina ay dhaawici doonto horumarkii hore looga sameeyey wada hadaladii labada dhinac hore u gaadheen, oo qodobada ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen imikana laga wada shaqeeyo ay ka mid tahay la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada.
Mr. Biixi wasiirka arrimaha dibada Somaliland wuxuu sidoo kale ka codsaday dawladda ingiriisku inay si dhab ah usoo dhex gasho arrinta dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay u fidiso khubaro dhinaca sharciga qaabilsan si loo furdaamiyo arrintani khilaafka keenay, isagoo sidoo kalana ka codsaday dawladda ingiriisku inay London usoo wareejiso wada hadalada, Mr. Biixi ayaa qoraalkiisa kaga cawday dawladda Turkiga oo uu sheegay inay ka caga jiidaysay inay si dhab ah u dhex dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya.
Wada hadalada labada dhinac ayaa loo balansana bishii September ee sannadkani, waxaana sida xukuumadda Siilaanyo laga soo xigtay ay wada hadaladaasi dib ugu dhaceen bishii October, haddana Bishii November, haddana Bishani December, iyadoo ugu danbayntiina wasiirka arrimaha dibaddu warbaahinta u sheegay in wada hadalka dib loogu dhigay bisha January, ma cadda in wada hadaladaasi ay dhici doonaan iyadoo murankani taaganyahay.
Wasiirradan haatan maqan ee Reer Somaliland, ayaa marka ay waddanka ku soo noqdaan shacabku ka filayaa inay jawaab waafiya  ka siiyaan arrimaha Soo Kordhay, iyadoo shacabka reer  Somaliland markii horeba aanay raalli ka ahayn in Somalia wada-hadalkeeda lagu degdego.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash