Skip to main content

Wasiiradda Burco u jooga shaqaaqadii ka dhacday oo Cisbitaalka ku booqday labadii Askari ee dhaawacmay


Burco(Nuux kadiye) Shan Wasiir oo Burco u jooga xalinta dhibaatadii uu sababay Mudaharaadkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ayaa saaka ku booqday Cisbitaalka Guud ee magaaladaasi laba Askari oo ay ciidanku ku dhaawaceen shaqaaqadii ka dhacday ee ay dadweyne la soo abaabulay kaga gadoodee n bedelaada Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Togdheer ee shalay xilka wareejiyey.

Wasiiradda ayaa labada Askari oo midkood Sarkaal yahay ku booqday Waadhka ay jiifaan, waxaana labadaba ku yaala dhawaacyo halis ah oo midkood ay xabadu caloosha kaga dhacday, halka ka kale ay goysay muraqa  buruca ee gacanta.
Wasiiradda ayaa labada Askari illaahay uga baryey in uu u fududeeyo dhaawaca iyagoo madaxda Cisbitaalkana ku dar daaray in ay u fidiyaan gar-gaar dheeraad ah si xaaladoodu u soo kabato. Sidoo kale waxay kula kulmeen barxada cisbitaalka Odayaal ka soo jeeda qoysaska Askartan iyagoo u balanqaaday wixii karaankeed ah in aanay xukuumaddu ka hagran doonin sidii ay wax ula qaban lahayd Askarta iyo Reerahoodaba.
Wasiiradda ayaa booqashada dhaawaca Askartaas isku shubay xarunta Gobolka ee magaaladda Burco halkaas oo ay balamo kula leeyihiin madaxda Maamulka Gobolka iyo Odayaal ka soo kala jeeda Beelaha si xaalka magaaladda loo dajiyo isla markaana go’aan looga qaato Maydka Ninkii ku dhintay rabshadii dhacday kaasoo wali yaala isla markaana Beeshiisu diiday in ay Aasato illaa inta meel la saarayo Dilkiisa.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.