Skip to main content

Fadeexad: Qaxootiga Talyaaniga taga oo si fool xun loola dhaqmo! [Daawo]

{Nuux kadiye} Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay inay baaritaan bilaabayso kadib markii la shaaciyey Filim laga soo duubay dadka qaxootiga ah markay soo galaan talyaaniga in dhamaantood dharka laga dhigo.

Filimkan oo ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa waxaa duubay nin qaxooti ah oo kasoo jeeda dalka Siiriya.
Filimkan ayaa waxaa ka muuqda qaabka loola dhaqmo dadka qaxootiga ah marka ay gaaraan xeryaha ku yaal jasiirada Lampedusa ee koonfurta Talyaaniga. Dadkan oo rafaad badan kala soo kulma Doonyaha ay Afrika kasoo raacaan ayaa qaarkood eheladooda iyo asxaabtooda ku waaya musiibooyinkii ka dhacay bada Madetareniyanka. Balse marka ay gaaraan xeryaha Talyaaniga ayey la kulmaan nolol kale oo aad u adag

Dadka Qaxootiga ah ayaa lagu amraa inay dharka iska siibaan goob fagaare ah, kadibna waxaa lagu buufiyaa biyo lagu doonayo in jirkooda lagu dhaqo. Ragga iyo Dumarka ayaa todobaadkii dhowr mar sidan loola dhaqmaa. Waxayna qaxootiga sheegeen in sidii xayawaanka loola dhaqmo.
Arrintan oo muujineysa xushmo la’aanta iyo ceebta lasoo darista dadka qaxootiga ah marka ay yimaadaan wadanka Talyaaniga.
Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay inay arrintan baari doonto isla markaana ay kasoo horjeedo in meel looga dhaco xaquuqda iyo sharafta dadka qaxootiga ah

Daawo filimka laga duubay Xeryaha:


Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.