Skip to main content

Xogo dheeraad ah oo aanu ka helnay Tiyaatarka Hargeysa

Hargeysa(Nuux kadiye) xog dhab ah oo naga soo gaadhay war ku soo baay mareegta N.K oo ku saabsanaa in Cali mareexaan iyo Salaadiin la siiyey qayb ka mid a Tiyaatarka Hargeysa ayaa cadeeyey in Madaxweyne Axmed Siilaanyo siiyey laba Suldaan ee kala ah Suldaan saleebaan Boqor Cismaan Xasamn iyo Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw Good.

Sida ay noo sheegeen ilo wareedyo rasmi ah oo u dhun daloola Digreetadii lagu siiyey Salaadiintaas ayaa sheegaya Madaxweyne Siilaanyo inuu u cuskaday siinta dhulkaasi Codsi uga yimi labada Suldaan isla markaana markii arkay maamuuska ay mudan yihiin in uu u siiyey Dhulkaasi.
Mareegta Waaheen waxa ay ka cudur daaranaysaa isla markaana Raaligelin ka siinaysaa labada Suldaan ee Dhulkaas ka siiyey Eray ku jiray warkaas oo ahaa in Xildhibaan Cali Mareexaan iyo Salaadiin uu ku shaqaysto dhulkaas la siiyey, kaasoo ah mid aan ku haboonayn labada Suldaan.
Sidoo kale, Xildhibaan Cali Mareexaan oo aanu warka ku xusnay in Dhulkaas la siiyey isaga iyo labada Suldaan ayaa Waaheen ahaan xaqaiijinay in aanu dhulkaas ku jirin ee ay labada Suldaan iyo Madaxweynaha uun ay ka dhaxaysay siinta Dhulkaasi.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.